Farmaajo oo daahfuray Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in dib loo xoojiyo nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey kumannaan arday ah oo wax ka barata 24 Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayna dhigtaan ku dhawaad 15-kun oo arday, iskuulladaas oo maanta si rasmi uga mid noqday nidaamka waxbarashada dawliga ah ee dalka.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo, waana waajib dastuurku na faraayo. Maanta awooddeeda Alle waa uu nasiiyay, waxaana ka shaqeynaynaa fulinta qorshaha ah in xuquuqda waxbarasho ee caruurta Soomaaliyeed aan dib usoo celino.”

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa soo bandhigtay qorshaha ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta ah, iyadoona ku dhawaaqday in macalimiinta iyo maamulka dugsiyada ku biiray nidaamka waxbarashada dowliga ah ay ka mid noqon doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuqullo ka mid ah manhajka mideysan ee waxbarashada, waxa uuna kula dardaarmay khubarada Soomaaliyeed ee gacanta ku haysa manhajka ay xoogga saaraan kor u qadista wadaniyadda, isdhexgalka bulshada iyo kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay qorshaha tayeynta macalimiinta oo wajigiisa koowaad lagaga hirgelinayo Caasimadaha Dowladda Goboleedyada xarumo lagu tababaro macalimiinta oo noqonaya madal ay isku dhaafsadaan macalimiinta khibradahooda dhanka waxbarista, sarena loogu qaadayo xirfadahooda.

Madaxweyne Famaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhanka waxbarashada, isagoona tilmaamay in dhaqangelinta manhajka mideysan ee waxbarashada dalka uu qorshe istaraatiiji ah u yahay mustaqbalka waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dalladihii aan dowliga ah ee waxbarashada iyo aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey samato bixinta waxbarashada dalka iyo badbaadinta mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed xilliyadii burburka.

DHAMMAAD

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM