Farmaajo oo ka hadlay Shirka Ganacsiga Afrika [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Sharma Sheekh - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM