Farmajo oo ka qeybgalaya Caleema-saarka Erdogan [SAWIRRO]

Image
Image
Image

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Ankara halkaas oo ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; "Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto."

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM