Farmaajo oo kormeeray goobaha danta guud ee lagu dhisayo Isxilqaan

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Farmaajo ayaa dul istaagay shaqooyinka dib-u-dhiska iyo dayac-tirka ah ee lagu wado Tiyaaratka, Madaxafka iyo Maktabadda Qaranka, isagoona goobahaas kula kulmay muwaadiniinta sida mutadawacnimada ah uga qeyb qaadanaya Ololaha Isxilqaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.

“Hawshan wanaagsan ee aad haysaan waa mid waxtar weyn u leh mustaqbalka carruurteenna. Dalkeenna innagaa gacmaheenna ku burburinnay, marka innagoo aan cid kale sugin waa in aan dib u dhisannaa oo qof kasta oo Soomaali ah uu awooddiisa geliyaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka," ayuu yiri.

Dhankooda, hawl-wadeennada Barnaamijka Isxilqaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey guulaha la taaban karo ee laga dhexlay wajiga koowaad ee barnaamijkan iyo qorsheyaasha lagu dhammeystirayo dib u dhiska goobaha danta guud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay hormuudka Barnaamijka Isxilqaan in ay dardar geliyaan dhammeystirka dib u dhiska goobaha danta guud oo haatan ay gabogabo marayaan hawlaha dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, Madxafka iyo Maktabadda.

Villa Somalia

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM