Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeerey madaxda Galmudug [AKHRI]

Image

MUQDISHO - Kadib markii khilaafka u dhexeeya madaxda maamulka Galmudug cirka isku shareerey ayaa qoraal xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxay lagu sheegey inuu kulan deg deg ah la isugu yeerey dhinacyadaan muransan.

Dowlada Federalaka ah ayaa lagu eedeynayaa iney dhinac ka tahay khilaafkaan oo yimid markii madaxda maamulada kulan Kismaayo ka dhacey xiriirka ugu jareen Villa Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo gudoomiyaha Barlamanka ayaa xilka laga qaadey kadib markii Xildhibanada maamulkaas oo fadhigoodu yahay magaalo madaxda mooshin ka keeneen.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa waxaa isku beel hoose yihiin RW Khayre halka Madaxweyne ku xigeenkaas maamulkaas is xigaan Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale waxaa booqasho ku jooga xarumaha maamulada xildhibaano ka socda aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya kuwasoo xog ururin u jooga deganadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey kulan isugu yeerey maalin kadib markii xiriirka u jareen madaxda maamulada balse arinkaas ayay qaadaceen iyagoo shuruudo ku xirey kulan dhexmara labada dhinac.

Hoos ka akhri Warsaxafadeedka Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

"Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg."

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda.

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM