Farmaajo oo markale Shir ku casumey madaxda Dowlad Goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa markii 2aad mudo laboo bilood gudahooda Shir ku marti-qaadey madaxda dowlad goboleedyada, oo qodobo halis ku ah dowladdiisa kasoo saarey shirkii Garoowe.

War-murtyiyeedka shirkii afarta maalin ka socday Garoowe ayaa lagu shaaciyay inay dhisanayaan maamullada kala ah, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ciidamo u gaar ah iyo xisbi siyaasadeed, waxayna ku dhawaaqeen shir weyne qaran.

Madaxweyne Farmaajo oo markuu arkay halista kuwoo wajahan dowladda uu hogaamiyo, ayaa markale soo saarey war-saxaafadeed uu uga dalbanayo dowlad goboleedyada inay kasoo qeybgalaan shir wadatashi ah oo bishan ka dhacaya Muqdisho.

Labadii baaq ee ugu dambeeyay ayaa noqday kuwa hirgeli waayay kadib markii madaxda maamullada ay qaadaceen casuumaadda Farmaajo, iyagoo meeshii meel ka sareysa gaarsiiyay mowqifkoodii xiriirka ugu jareen Villa Somalia bishii lasoo dhaafay.

WAR SAXAAFADEEDKA VILLA SOOMAALIYA:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

"Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay'adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar."

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar.

DHAMMAAD

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM