Farmaajo oo Puntland ka codsaday Marti-gelinta Shirka DFS iyo Maamullada [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud.

Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda.

"Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi." Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM