Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda 2019 oo Khilaaf ka dhex abuurtay BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa qiimeynta iyo gorfeynta miisaaniyadda sannadlaha ah ee Dowladda oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Kobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda.

“Miisaaniyaddan qaybta ugu badan waxa ay ku suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay nooga go’an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.

Gollaha Shacabka ayaa ku kala qeybsamay Miisaaniyadda kadib markii uu Guddiga Maaliyadda soo gudbiyay warbixin daboolka ka qaadey musuq-maasuq ku eedeysay Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM