Farmaajo oo tababar usoo xiray Askar Turkiga uu tababarey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som).

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga dadaalka ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliya taas oo ay qeyb ka tahay tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida.

“Waxaan idiin haynaa abaal weyn oo ku aaddan sida qiimaha badan ee aad noo garab istaagteen. Siyaasaddeena arrimaha dibadda waa mid ku saleysan iskaashi cid walba u furan.”

Madaxweyne Farmaajo oo si gaar ah ula dar daarmay ciidankan oo dhammaytay dhammaan tababarrada ciidanka Lugta “Efenteri” ayaa faray in ay ka soo dhalaalaan himillada iyo shaqada ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaad tihiin kuwa aan dooneyno in ay asaas u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin dhaqanka iyo anshaxa ciidannimo.”

Sidoo kale, munaasabadda waxaa khudbado ka jeediyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyeyaasha iyo Howl-wadeennada Kulliyadda.

Saraakiisha iyo Askarta tababarkan qaadatay ayaa u soo bandhigey Madaxweynaha dhoolla tus ay ku muujinayaan xirfaddooda iyo sida ay ugu diyaarsanyihiin difaaca iyo u adeegidda dalka iyadoona uu guddoonsiiyey abaal marinno askarta kaalimaha hore ka galey tababarka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigey qalabka iyo hubka dufacaddan, isagoona kormeeray fasallada iyo goobaha ay tababarka ku qaataan ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM