Farmaajo oo Uhuru Kenyatta kala hadlay dhismaha Derbiga Xadka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War Saxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta kala hadlay arinta derbiga laga dhisayo Xuduuda.

Wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru ayaa labo jeer oo kamid ah ku sameeyay khadka Isgaarsiinta 22-kii iyo 24-kii bishan Maarso, iyadoo mida 3aad ay u dhacday qaab fool-ka-fool ah 22-kii Maarso, 2017 markaasi oo Farmaajo booqasho ku tagey Kenya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay isku afgarteen in la joojiyo dhismaha derbiga, islamarkaana la sameeyo gudi isku dhaf ah oo ay hogaaminayaan gudoomiyaasha gobollada Gedo iyo Waqooyiga bari ee Kenya.

Hoos ka akhriso War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM