Farmaajo oo QM ka dalbadey xoojinta taageerada gulufka Al-Shabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey, Atul Khare.

Mr Farmaajo iyo Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska UNSOS uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro Al-Shabaab.

Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha xafiiskiisa uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka UN-ka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan,

Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka.

Dhankiisa, Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada QM ee Soomaaliya.

Villa Soomaaliya + GO

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM