Garoonka Banaadir oo magaciisa loo bedelay Eng Yariisow Stadium

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda.

Madaxweynaha oo kumannaan shacab ah kala qayb galay isu-soo-bax xus iyo duco ah oo loo sameeyay halyeeyadii ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecanayn dagaalka ay kula jiraan argagixisada tan iyo inta ay ka xorreynayaan dalka oo dhan.

“Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka.

“Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Inj.Yariisow, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

DHAMMAAD

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM