Guddiga weerarkii xafiiska duqa Muqdisho oo warbixin soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga loo saarey maareynta dhaawacyada qaraxii xafiiska duqa Muqdisho ayaa soo saarey warbixin ay uga hadlayaa howlaha ay illaa iyo haatan qabteen.

Sidoo kale guddiga ayaa qoraal ay u gudbiyeen madaxweyne Farmaajo waxay ku dalbadeen dedejinta natiijada baaritaanka ku socda weerarka iyo in lala xisaabtamo ciddii ku lugta lahayd.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA


Guddigii uu 24-kii bishan Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Warbixin hordhac ah oo ku saabsan waxyaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Warbixinta Howlaha u qabsoomay Guddiga

B. Maareynta Dhaawaca

Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof.

Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey

Kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2)& Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah.

Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro.

T. Dhimashada:

Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10

Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta.

Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey.
Gabagabo

Inkasta oo qeybtii hore ee gurmadka degdegga ee Guddiga ay soo dhammaatay, haddana warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay:

In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.

In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd.

In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa.

In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada.

In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba.

Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan.

Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda.


Al-Shabaab oo sheegatay dhacdadaasi ayaa tilmaamtay in hadafkooda uu ahaa ergayga Qaramada Midoobay, James Swan, kaasi oo saacado kahor inta uusan weerarku dhicin ka tegay goobtaasi.

Xogo horudhac ah oo laga helay baaritaanka ayaa sheegaya in qofka is-miidaamiyey ay ahayd haweenay, taasi oo ka tirsaneyd shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM