Isbahaysiga Isbedel-sameynta Soomaaliyeed oo la kulmey wakiilada beesha caalmka

Image

Isbahaysiga Isbedel-Sameynta Soomaaliyeed (Coalition for Change) oo ka kooban Murashaxiin Madaxweyne, Hogaamiyayaal Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa la kulmay beesha caalamka markii uusoo gabangabeeyay shirweyne labo maalmood socday 8-9/09/2016. Xubnaha Isbahaysiga ayaa shir la qaateen xubno ka mid ah beesha caalamka oo ay matalayeen, Safiiradda Ingiriiska, ku-xigeenka wakiilka Xooghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN), wakil dalka talyaaniga iyo wakiilo Ururka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Xubnaha Isbahaysiga Isbeddel Samaynta waxay u bandhigeen wakiilada Beesha Caalamka mowqifkooda ku aaddan: • 

  • Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigii dastuuriga ahaa ee xilka madaxweynnanimo uu ka dhamaaday lagamamarrmaana ay tahay inuu xafiiska baneeyo kuna wareejiyo Afhayeenka Golaha Shacabka sida dastuurku qabo. Sidoo kale, Raisulwasaaraha xukuumadda Federaalka waa inuu baneeyaa xafiiska kuna wareejiyaa ku xigeenkiisa maadaama uu yahay musharax.
  • Guddiyada maamulka doorashooyinka heer gobol iyo heer federal oo loo lagamamaarmaan ay tahay inay ku dhaqmaan dhexdhexaadnimo iyo daahfurnaan hawsha loo xilsaaray loona baahan yahay in Isbahaysiga Isbeddel-samaynta iyo guddiyadaas si dhab ah oo joogta ah uga wada hadlaan ugana wada shaqeeyaan xaqiijinta dhexdhexaadnimadas iyo daahfurnaantaas si loo horseedo doorasho cadaalad ah.
  • In hantida dowladda nooc kasta oo ay tahayba, nabadgelyada iyo saxaafadda dowladda aan la oggolaan in xubnaha tartamaya ay ugu adeegsadaan si toos ah iyo si dadbanba doorashooyinka.
  • In dib loo dhigo dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe maadaama hawshaas khilaaf badan ka taagan yahay madaxweynihii horana oo rabo inuu hawshaas u adeesado ololohiisa doorasho.   

Waxaa shirka la isku waafaqay in ay lagamamaarmaan tahay wadatashi joogta ah ee dhinacyada kulmay iyo in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici lahaa doorasho cadaalad ah. 

Isbahaysigu wuxuu u mahadceliyey dadaalka Beesha Caalamku ku bixinayso dowlad dhisidda iyo qabsoomidda doorashooyin hufan oo caddalad ah.   Dhammad

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM