Jubaland oo soo dhaweysay ansixinta heshiiska doorashada

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

"Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena ayuu yiri Madaxweynahu.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Gaba gabadii Waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM