Kalfadhig 4-aad ee Gollaha Shacabka oo la xiray iyadoo sharci badan la ansixin

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

Khilaafka Gollaha Shacabka ayaa ka dhashay Mooshin xilka qaadis ah oo Madaxweynaha kasoo gudbiyeen in ka badan 90 Xildhibaan, kaasoo markii dambe lagu dhameeyay is-afgarad iyo wadahadallo hoose.

Sharciyadda uu Gollaha Shacabka meel-mariyay fadhigiisa 4aad:

Naafadda
Caafimaadka
Hanti-Dhowrka
Bangiga Dhexe
Xaq-siinta ciidamada
Miisaaniyadda 2019

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM