Khayre iyo Abiy Axmed oo wadahadalo ku yeeshay Addis Ababa

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Addis Ababa kula qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM