Khayre oo Beesha Caalamka uga warbixiyey safarkiisa KG iyo Galmudug

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay wakiillada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya, ayaa xog ka siisay socdaalkiisii Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dhanka loo jiheynayo horumarka dalka ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagala shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee Shababka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayaa wakiillada warbixin ka siiyay guulaha ay dowladdu ka gaartay dib-u-habeynta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la joogo xilligii Soomaaliya lagu caawin lahaa fursadaha maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo hir-gelinta kaabayaal dhaqaalaha, si loo yareeyo baahiyaha bini’aadninimo ee waqtiga fog.

Waxa uu intaa ku daray Ra'iisul Wasaaruhu in ay muhiim tahay in bulshada fursad loo siiyo in ay awood u yeelato wax soo saar dhaqaale, in dhallinyaradana shaqo abuur loo sameeeyo iyo maalgelinta la gaarsiiyo deegaannada ay ku noolyihiin bulshooyinka qaba baahiyada ugu daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo biyo yaraan ay ka jiraan deegaannada Huurshe iyo Xeraale ee dhawaan lagu guuleystay in la demiyo colaaddii sannadada soo jiitameysay, baahiya kale oo bulsho ay ka jiraan deegaannada uu socdaalka kusoo maray ee Koonfur Galbeed, ayna lagama maarmaan tahay in hay’adaha caalamiga ah ay si dhaqsa ah uga jawaabaan baahiyahaas bulsho.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in magaalada Xudur uu kusoo arkay bulsho sannaddo badan go’doonsaneed hase yeeshee la timid isku-tiirsanaan ay ku badbaadeen, ammaankoodana ku sugteen, isaga oo intaa raaciyay in ciidanka ku sugan Xudur ay u diyaarasanyihiin in ay xoreeyaan Bakool oo dhan hadii ay helaan qalabka ay u baahanyihiin.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM