Kheyre oo amar siiyay Wasiirka difaaca iyo Taliyaha ciidanka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin calooshood u shaqeestayaasha, arxanlaawayaasha, diin-laawayaasha ah ee gumaada caruuta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagantahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan loona soo af-jaro ficillada gurracan ee ay wadaaan kooxda ku shaqaysa aragtida loo soo dhiibay ee lacagta iyo dhaqaalaha badan ka sameeysa daadinta dhiigga birimagaydada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ah ay ka been sheegayaan diinta, diinteennuna aysan ogolayn in caruur la dilo ama qarax lagu soo xiro, waxa uuna intaa raaciyay in hadii ay dhab ka tahay diinta ay sheeganayaan ay iyagu is qarxin lahaayeen ama caruurtoodda ay qaraxyada u adeegsan lahaayeen.

Ra’iisul wasaaaraha ayaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciidda Soomaaliyeed.

Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayanta ciidanka iyo isla-xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan soo af-jaridda cadawga ummadda Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM