Laascaanood:-Ururka MAP oo Cambaareeyay Falkii Ciidamada Somaliland

Image

Ururka Suxutiyiinta Puntland ee MAP  Waxaa uu cambaaraynayaa Falkii Hanjabaada iyo qalab kal wereegida ee Makhribnimadii maalintii Khamiistii 14-ka August 2014 Ciidamada  Milateriga Somaliland ay u gaysteen Afar Wariye oo ka howlgala Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Maalintii Khamiistii, Ayaa Ciidamadda Somaliland waxay duleedka Magaaladda Laascaanood ku joojiyeen Gaari ay wateen Wariyaasha,  C/kariim C/laahi Bille (Ololo) oo u shaqeeya Telefishanka Somalichannel iyo Radio Ergo, C/raxmaan Cali Ducaale oo ka u shaqeeya Horncaple TV, Maxamed Shaqale Cashuur oo Laascaanood uga soo warama Telfishanka Somali Set iyo Farduus Maxamed Iimaan oo ah Suxufiyad madaxbanaan, Waxayna Qaateen Dhammaan Qalabkii ay ku shaqaynayeen oo  isugu jiray Computero iyo Caamarooyin.

“Waxaanu ka nimid Shirkii Khaatimo ee Salaxdheere, Ciidamadda Milleteri Somaliland ah ayaa baabuurkii aan wadanay joojiyay, Handaad iyo cagojuglayn ayay nagu bilaabeen, Bannaanka  ayay naga dajiyeen Baabuurk, ka dibna Boorsooyinkii Qalabku noogu jireen ayay la soo degeen, Waa fureen, Waxayna la baxeen Saddex Camero oo isugu jiray kuwa sawirka iyo Duubista Filimada, Waxay kaloo Qaateen Saddex Computer oo Nooca Laabtobka ah, Hard drivers aan xogta ku kaydsan jirnay iyo dhammaan Cod baahiyaashii (microphones)” ayuu yiri Wariye C/kariim Olol.

“ Waxaanu la xiriirnay Maamulka Gobolka Sool, waxayse noo sheegeen inaysan ka warqabin meesha la geeyay iyo Cida haysa. Waxaa nagu maqaala ah in Qalabkii loo qaaaday Magaaladda Hargaysa”  ayuu sii raaciyay C/kariim Olol

Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool ayaa sidoo ku hanjabay inay xiri doonaan Xafiisyadda iyo Studio-yo ay isticmaalaan Qaar ka tirsan Suxufiyiinta ka howgala Magaaladda Laascaanood , Sida uu Ururka MAP u sheegay C/kariim olol.

Xoghyaha Guud ee Ururka MAP Faadumo Maxamed Maxamuud ayaa falka lagu Bartilmaameesaday Suxufiyiinta oo Qalabkii ay ku shaqaynayeen lagula Wareegay ku tilmaamtay mid xadgudub ah, Waxayna  ugu baaqday Maamulka Somaliland inay dib ugu soo celiyaan Qalabkoodi, ayna ogoladaan shaqada Warbaahinta Xorta ah iyo inayna ka hor istaagin  Shaqadooda.

“ Waanu ka xunnahay,Waana Cambaaraynaynaa Dhacdadaas, Waxaanu Waydiisanaynaa Maamulka Somaliland inay joojiyaan cagojuglaynta, Handadaada,xariga iyo Qalab kala wareegida Suxufiyiinta, islamarkaana ay dib u soo celiyaan dhammaan qalabkii ay ka qaadeen” ayay tiri Xogyahaya Guud ee MAP.

15 Bishii July 2014 Ciidamadda Somaliland  Waxay  Xabsiga Dhigeen  Aadam Maxamed Karaama oo Magaaladda Laascaanood uga soo Warama Telefishanka Universal. Sidoo kale Bishii April 20-keedii 2014, Ciidmada Somaliland waxay Xireen C/qani Goox oo wariye ka tirsan Telefishanka Somset TV iyo Cali Yuusuf Axmed iyo C/rashiid Caydiid oo Wariyayaal madaxbannaan ahaa

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM