Maamullada oo la saftay Xaaf, kana hor yimid Go'aankii Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa soo saarey war-saxaafadeed ay taageero ugu muujiyeen Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, iyagoo dhanka kale kahor yimdi go'aankii Aqalka Sare ee shalay.

Warkan qoraalka ah ee ay soo wada saareen Madaxweyniyaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka maqan Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan la heshiiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku baaqey in Galmudug laga joojiyay faragelinta lagu arrimaheeda gudaha, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay waxyaabihii keenay inay xiriirkii wadashaqeynta uu jaraan dowladda dhexe bishii lasoo dhaafey.

Aqalka Sare ayaa laga dalbaday inuu xushmeeyo War-murtiyeedkii Kismaayo, ee ku baaqaya in Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo ka-tashiga arrimahooda gaarka ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM