Madaxtooyada Puntland oo war kasoo saartay shirkii uu Deni iclaamiyay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in dowladda Puntland ay marti galinayso shir wada-tashi ay iskugu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah DFS.

"Puntland waxay diyar u tahay hadii ay wax khaldameen in ay saxdo, wixii khaldamayna ay horay uga socoto, waxaa aan rabnaa in la xisaabtamo door dheer ay yeesheen Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, iyo wada tashi la la-sameeyey madaxda sare ee dalka Madxaweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, waxaa la isla gartay maadaama tabashooyin Puntland sida ay u qabto ay maamulada kale dalkuna u qabaan, haba kala duwaanadeen daruufaha iyo xaaladaha ay ku kala nool yihiin'

"Si taas xal loogu helo tabashadeedana la helo waxaan soo jeedinay, guud ahaan dadkii meeshaas joogay la islana gartay in la yeesho shir wada-tashi ah, shirkaasna uu ka dhaco magaalada Garoowe, uuna qabsoomo bishan soo socoto May, 02, 2019 ilaa inta ku filan uu socdo oo ah inta aan la gaarin ramadaanka" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyey qaabka iyo qodobada looga wada hadli doono shirkaas wad-tashiga ah ee Puntland marti galin doonto.

"Shirkaas waxaa uu noqonayaa shir si dhab ah looga wada hadlayo oo la rajeynayo in lagu jaangooyo qaabka madaxda Dowladda Federaalaka Soomaliya iyo Madaxda Dowladda xubanha ka ah DFS ay u wada shaqayn lahaayeen, sidoo kale in lagu xadido magaca uu qaadanayo habkaas lagu wada shaqaynayo oo uusan noqon kii hore oo la oran jiray "Golaha Amniga Qaranka" iyo sidii dib loogu eegi lahaa dastuurka Dalka oo aan u aragno in uu ku socdo wado khaldan"Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

- DHAMMAAD-

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM