Madaxweynaha Soomaaliya oo u Mahad Celiyey Dowlada Turkiga

Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la’yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Soobe.


Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.


Madaxweyne FarmAajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la’aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.


Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cade halkaas oo uu ku sagootiyey qaar ka mid ah dhawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.


Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu halkaas kaga gudoomay Wasiirka caafimadka Dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.


Wasiirka ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxa an dhambal tacsi ah idiin ka sida Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”


Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaaga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.


“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”

DHAMAAD

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM