Madaxweyne Farmaajo oo booqdey Saldhigii Imaaraadku maamuli jirey

Image
Image
Image

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlada Federalka ayaa booqdey xerada Gordon oo ay maamuli jirtey dowlada Imaraadka Carabta isagoo halkaas kula kulmay ciidamo ku sugan.

Dowlada Imaraadka ayaa ciidamada ku sugan xeradaas u fidin jirtey tababaro halka ay mushaharaad ay siin jirey ciidamadaas.

Booqashada Madaxweynaha Farmaajo ku tagey xeradaas ayaa ah tii ugu horeysay tan iyo intii dowlada Imaraadka kala baxdey tababarayashii kaga sugnaa halkaas.

Xerada Gordon oo isku dhacyo ciidan iyo boob Hub ay ka dhaceen ayaa waxaa sidoo kale ciidamada ku sugan in muddo ah ka cabanayeen mushahar la’aan.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Gashaandhiga ayaa Xeradaan u badashay dugsi tababar kaasoo ciidamo kala duwan lagu xeereyey kuwasoo lagu biiriyey kuwii horey ugu xereysnaa.

Warar ayaa warsidaha GO u sheegey in kharashka xeradaan ku baxa dowlada Qadar bixiso iyadoo aan tababarayaal kaga sugeyn xeradaas.

Dowlada Imaraadka ayaa joojisay tageerada dhaqaale ay siin jirtey ciidmada xeradaas ku sugan kadib markii uu xumaadey xiriirka ay la laheyd Villa Somalia.

Hoos ka akhri warsaxafaded xafiiska Madaxweynaha kasoo saarey booqasho uu maanta ku tagey Mudane Farmaajo xeradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM