Madaxweyne Farmaajo oo ku ciiday Saldhig military [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS.

Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka kaga sifeeyeen kooxaha argagixisada ah deegaanno hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM