Madaxweyne Farmajo oo kulan la yeeshay Saraakiil Ciidan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.

Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1,200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM