Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Isgaarsiinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka.

Bandhigga Saxiixa Sharcigan ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdi-Weli Ibraahim Sheekh Muudeey, Raiisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamuud Guuleed, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo khubaro horay uga soo shaqaysay diyaarinta sharcigan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknaloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay sharcigii ugu wakhti dheeraa dhanka ansixinta maadaama laga soo shaqaynaayey tan iyo sanadkii 2005tii taas oo muujinaysa ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Laamihii kala duwanaa ee dowladda ee kasoo shaqeeyey sharcigan, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in natiijada wanaagsan ee ka dhalatay dadaalkaas ay qeexayso wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hayadaha dowlada.

“waa xaqiiq in ay caqabado badan jiraan,waana garoowsannahy in dhibaatooyinka dalkeenna aan lagu xallin karin hal habeen, balse cid walba waa u muuqataa in dalku uu horay u socdaa” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha maadama ay horay usoo meel mariyeen Golaha Xukumadda iyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM