Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambaliyo ku aaddan guusha doorashada ku celiska ah waxa uu u diray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Madaxwyenaha ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan dowladda iyo shacabka Kenya ugu hambaliyeynayaa guusha dimuqraadiyadeed ee ay gaareen.”

Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, waxaana dowladda ka go’an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM