Madaxweynihii hore ee PL oo ka tacsiyeeyey geerida Xuseen Kadare

Image

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh  ee ku timi Ilaah  ha u naxariiste Xussein Shekh  Axmed (Kadare),  Ilaahayna ha ka samirsiiyo qoyskiisii, eheladiisii, asxaabtiisii iyo dadka Somaliyeed oo dhan oo uu ku lahaa tarikh lama illaawaan ah.

Waxaan ka mid ahay AHN dadka Xussein si fiican u yaqiin ee saxiibka lahaa, ilaa yaranteydii.  Wuxuu ka dhintay Somali oo dhan, wuxuu ahaa siyaasi wadani ah oo nabaaddoon ah, wuxuu ahaa aqoon leh, gabay yaqaan ama suugaan yaqaan. Hussein wuxuu kalin weyn ee lama illaawaan ah ka qaatay qoridda iyo hirgelinta  afka Somaliga. 

AHN Xussein waxaan ka wada mid ahayn guddigii farsamada ee shirkii nabadeynta ee lagu qabtay waddanka Djibouti, July1991, si loo so afjaro colaadii dalka ka socotay. Wuxuu ka mid ahaa dadkii sida diirran Muqdisho noogu soo dhaweyay, markii wafdi nabadeyn ah oo aan ka mid ahaa ka yimaaden degaanka Woqooyi Bari (Puntland) bishii August 1991, si Muqdisho dawlad Somaliyeed loogu dhiso.  Dabadeed wuxuu madax u ahaa wafdi  1992 horaantiisi degaanka Puntland nabadeyn noogu yimid. 

Xussein Shekh Axmed  Alle ha u naxariisto, jannadiina Alle ha geeyo, eheladiisii iyo annagaba  Alle ha naga samir siiyo. 

Aamiin Aamiin

Cabdiraxman Shekh Moxamed Farole

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM