Mahdi oo Soomaaliya ku matalay Shir madaxeedka Midowga Africa

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay shirka Golaha guud ee Midawga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirkaan oo uu guddoominayo guddoomiyaha midawga Afrika Paul Kagame, ayaa qorshuhu yahay in go’aamo looga gaaro qodobadii kasoo baxay shirkii labaatanaad ee aan caadiga ahayn ee November 14 -15, 2018 ay yeesheen guddiga fulinta ee midawga Afrika.

Mowduucyada ugu waawayn ee kulanka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah ah dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta midawga Afrika (AUDA iyo dhaqaalaha lagu socodsiiyo shaqooyinka midawga Afrika.

Shirka maanta ka furmay Addis Ababa oo ah kulankii 11-aad ee aan caadiga ahayn ee ay yeeshaan golaha guud ee midawga Afrika ayaa lasoo geba-gebeynayaa maalinta berri ah.

—DHAMMAAD—

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM