MD Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku Timid Maxamad Abshir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo caawa ku geeriyooday dalka Mareykanka.


“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse.”


“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay.

Waxaan Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin”

Halkaan ka akhri taariikhda Marxuum Maxamad Abshir Muse 


Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM