MD Farmajo iyo RW Khayre oo la kulmay Wafdi QM [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.

Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM