Mursal oo ka hadlay Khilaafka dhacay iyo hakadka Kulamada Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shalay oo sabti ahayd xildhibaanada Golaha Shacabka ka horjeediyay khudbad uu kaga hadlay khilaafkii dhacay iyo hakadka ku yimid howlaha Golaha.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay howlaha u qabsoomay Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafkii jiray ay saameyn badan ka dhalatay, sidoo kalena ay jiraan sharciyo badan oo weli qabyo ah.

“Dalka waxaa soo maray xaalado adag oo u baahnaa in loogu gudbo si deganaan ku jirto, waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo-nimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hay’adihii garsoorka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn”. ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in marka la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo qof walba taasina ay sababtay in culeys siyaasadeed oo badan uu dhaco.

Waxa uu xusay in dadaal badan iyo is jiid-jiid badan kadib la qanciyay cid walbo oo wax tabaneysay si niyad furana lagu wada shaqeeyo.

“Go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah ineysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo oo la qanciyo aragtida kala duwan, culeys aad u weyn ayaa guddoonka iyo madaxda sare ee dalka ka soo gaartay sidii xal loogu gaari lahaa, waxaa suura gal ah in aragtida lagu kala duwanaado laakiin waxaa nahay dhamaanteen xildhibaanada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar weyn oo looga nabad geli doono inta ka dhiman mudada xil heynta golaha.

Sidoo kale waxa uu umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu xaliyo.

“Shacabka Soomaaliyeed kuwa gudaha jooga iyo qurba joogta waxa ay muujiyeen dareen saameyn nagu wada yeeshay oo ay ku dalbanaayeen inan lagu sii fogaan khilaafka, waxaan ka qaadaneynaa isfaham waaga dhacay cashar weyn oo aan ugu nabad geli doono khilaaf kale mudada xil heynta nooga dhiman baarlamaankan 10-aad”. ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu bogaadinayo doorka wanaagsan oo ay xildhibaanada ka qaateen khilaafkii dhacay iyo tanaasulka ay muujiyeen.

“Markii ay timaado arrin taabaneyso maslaxada iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto, xildhibaanadii tanaasulka muujiyay iyo xildhibaanada iskooda isku xilqaamay ee nagu hurdo beelay waxaan leeyahay dadaalkiina waan idiin kaga mahad celineynaa masuuliyad idiin saaran ayay ahayd in umadda Soomaaliyeed aad u qabataan waxyaabaha la idiin soo doortay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa siyaasiyiinta iyo culima’udiinka xikmada iyo qaboojinta nala garab joogay”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Maxamed Mursal ayaa qiray in kalfadhigaan 4-aad ay qabteen shaqo ka badan 3-dii kalfadhi ee ka horeysay.

“Waxaa sharaf noo wada ah inan halkaan ka qiro in kalfadhigan 4-aad aan qabanay shaqo badan oo aan isku amaaneyno marka la isugu geeyo 3-dii kalfadhi ee ka horeysay, 3-dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci oo keliya, kalfadhigan 4-aad waxaan ansixinay 4 sharci oo kala ah Dhismaha hay’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka, waxaa shaqo ku socotaa oo heerar kala duwan maraya 7 sharci”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney ansixiyaan miisaaniyadda dowladda 2019 maadaama sanadku uu dhamaad marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM