Nicholas Kay oo hambalyo u diray Madaxweyne Shiriif Xasan

Image

December 3, 2014 (GO)- Kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax lagula eegtay deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo noociisu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, wuxuu haleelay gaari booyad ah.

Dhanka kale kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay kolonyo kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo marayey meel wax yar u jirta degmada Marka.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo labada qarax iyo weliba khasaaraha ay dhaliyeen, welina ma jiro wax war ah oo ku saabsan weeraradaas oo kasoo baxay taliska AMISOM.

Gelinkii hore ee maanta qarax ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku geeriyoodey 4 qof oo saraakiil ciidamada Dowladda Federaalka ka tirsani ku jireen 12 kalena way ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM