PFG oo ka digtay isku day lagu faragelinayo dastuurka Puntland

Image

GAROOWE, Puntland - Madasha Puntland Focus Group [PFG], ayaa war-saxaafadeed kasoo saartey doorashada kusoo food leh Puntland, caqabadaha amni, dhaqaale iyo mida siyaasadeed ee xilligan ka jira maamulkan 20 sano jirsaday.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

Anaga oo ka duuleyna, isla markaasna xoojineyna go’aankii Baarlamaanka (Golaha Wakiiladda) Puntland uu go'aamiyey 14kii Agoosto, 2018, kaas oo ah in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu ay dhacdo 8da Janaayo 2019ka, iyadoo loo marayo qaabkii hore, maadaama ay suurta geli weydey in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah 2019ka, waxaan soo jeedineynaa;

1. Wakhtigaan aan joogno, doorashada Puntland waxaa ka haray labo bilood, muddo-xileedkii xukuumadduna waa dhamaaday. Sidaas darteed, si looga gudbo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee maanta taagan waxaa muhiim ah in wadajir iyo taxadar looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, abni iyo dhaqaale ee hada jira. Xukuumadda talada haysa waxaa saaran masuuliyad dastuuri ahwaxaana loo bahan yahay in dalku xiligaan kala guurka ah uga gudbo caqabadaha jira deganaan iyo kalsooni lagu qabo nidaamka doorashada. Sidaas daraadeed Puntland Focus Group waxay dalbanaysaa:

A. In Madaxweynaha iyo Musharixiinta kale ay ka galaan wadatashi loo dhan yahay arimaha khuseeya Gudiga Xallinta Khilaafaadka Barlamaanka, si loo helo xubno lagu kalsoon yahay oo bulshada dhexdeeda ku leh ixtiraam iyo xurmo gartoodana lagu qanci karo.

B. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dawladda Puntland ay rabto in ay furto Dastuurka Dawladda Puntland si dano gaar ah loogu samaysto. Waxaan si adag u soo jeedineynaa in aysan dhicin wakhtigan isku day lagu faragelinayo dastuurka Puntland oo ku yimi afti dadweyne, lana abuurin jaahwareer sharci iyo qalalaaso siyaasadeed oo khatar gelin kara jiritaanka Puntland. Waxaan si adag ugu digeynaa Dawladda Puntland, islamarkaasna ay ka waantowdo arintaas ay waddo.

C. In doorashada Puntland ku dhacdo jawi degan oo aan shaki gelin karin natiijada iyo nidaamka doorashada midna.

D. Musharixiinta u sharaxan Madaxweynanimadda Puntland waxaa ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay shacabka reer Puntland kula hadlaan goobkasta oo munaasib ah, si ay ugu sheegaan fikrikooda siyaasadeed. Waxaana cambaarayneynaa falkii lagula kacay Faarax Cali Shire oo loogu diidey in uun ka khudbadeeyo barxadda magaalada Qardho iyo in la jeex jeexo musharaxa xayeysiintiisa.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jeneral Cabdulahi Axmed Jaamac (Ilkajiir)
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Cali Qoryooley

                                                                Warar dheeraad ah la xiriir;

                                                            Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
                                                            Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
                                                            Email: dhollowaa2013@gmail.com

- DHAMAAD -

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM