Puntland oo baaq u dirtay madaxda maamuladda Soomaaliya

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, marxaladihii kala danbeeyay ee lasoo maray iyo sida ay hada wax u waddo Dowladda Federaalka ah oo Madaxweynuhu sheegay in aysan habooneyn.

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay Shirweyne wadatashi oo 15. March 2020 lagu qaban doono Garoowe, shirkaasi oo ay ka qeybgeli doonaan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku metala Dowladda Federaalka ah, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaalaynta Soomaaliya.

War-murtiyeed laga soo saarey kulanka deg-dega ah oo baaq loogu diray madaxda dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa lagu booriyey in laga wada shaqeeyo sidi dalka loo badbaadin lahaa.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

Puntland State House

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM