Puntland oo dabcisay khidmada bixinta shahaadada badqabka Covid19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda caafimaadka Puntland oo Hoos udhigtay khidmada bixinta shahaadada badqabka COVID-19 ee dadka dalka dibaddiisa u Safraya

15,10,2020:- Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland oo ka duulaysa falcelinta bulshada reer Puntland ee khidmada baaritaanka iyo helidda shahaadada badqabka xanuunka COVID-19 ee muwaadiniinta u safraysa dibbada, ayaa go’aamisay in la dhimo khidmaddaas lagana dhigo 35 dollar halka ay marki hore ay ka ahayd 50 dollar.

Wasaaradda oo ka jawaabaysa balanqaadkeedii ahaa inay hoos udhigi doonto khidmada shahaadada baaritaanka si bulshada ay u helaan adeeg wanagsan uguna helaan sida ugu sahlan ayay waxay hoos udhigtay khidmada laga qaado dadka qaadanaya shaahada badqabka Covid19 una safraya dalka dibadiisa. Waxaa hoos udhigidaan sababay sidoo kale marka wasaaraddu ay raadisay soona iibisay dawada baaritaanka.

Wasaaraddu waxay bulshada xasuusinaysa in khidmada laga qaado muwadiniinta lagu daboolo kharashaadka kala duwan ee shaybaarka iyo shaqada baaritaanka sida qalabka, agabka shaybaarka iyo wixii la mid ah. Waxay dowladdu ka shaqaynaysa sidii loo sii yarayn lahaa khidmada baritaanka iyo in bulshada reer Puntland helaan adeeg baaritaan oo jaban ama lacag la’aan ah.

Waxay wasaaraddu sido kale bulshada u balanqadaysa in muwaadiniintu helaan adeeg baaritaan oo dhamaystiran kaas oo tayadiisa lagu hubiyey halbeegyada caalamiga ah (international standards).

Waxaa xusid mudan in baaritaanka, daawaynta iyo dhamaan adeegyada kale ee la xiriira COVID-19 ee bukaanadu yihiin lacag la’aan, si toos ahna ushaqeeyaan shaybaarada Boosaaso, Garowe iyo Galkacyo laguna hawl jiro in inta badan gobolada laga furo shaybaarada.

War-saxaafadeed

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM