PL oo joojisay isu socodka habeenkii ee wadada Garowe-Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash ayaa furay dhismaha ku meel gaar ka ah oo dowladdu ku samaysay wadada halbowlaha ah ee isku xirta gobolada dalka.

Dhismaha Wadada ayaa la dhamaystiray afar meelood oo wax yeelo xoogle ay soo gaartey, waxayna inta shaqada laga qabtay u dhexeysa Garoowe, Sin-ujiif iyo Xaaji Khayr ee gobolada Nugaal, iyadoona la fasaxay gaadiid badan oo dhowrkii maalmood ee u danbeeyay halkaasi ku xanibnaa.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn waxa uu ammaan iyo mahadnaq u jeediyey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka oo ku guulaystey 24 sacadood inay ku furaan wadada, Shirkadaha iyo Shacabka ka qayb qaatay.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu soo dhoweeyay go'aan ay soo saareen guddigu oo ah in habeenkii gawarida la joojiyo, maadaama wadadu ay ka bur-burtay dhinacyada, taas oo khatar u keeni karta shacabka gawaarida ku safraya, waxaana uu guddiga kula dar-daarmay inay shaqada halkaasi kasii wadaan.

Daahfurka dib u dhiska wadada go'day waxaa Madaxweyne Ku xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweyna Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale, waxaana wali harsan shaqo badan oo xoog leh iyo tayactir lagu samayn doono inta badan hareeraha wadada oo bur-bur uu soo gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM