Qadar oo shaacisay lacagta ku baxeysa dhismaha dekadda Hobyo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.

Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Al Sulaiti, oo war-fidiyeenka u waramay ayaa shaaciyey in ay qaab casri ah u dhisayaan marsadaasi, isla markaana ay ku baxeyso aduun lacageed dhan 170 milyan oo dollar-ka Mareykanka.

Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.

Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Xiligaasi, wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM