Qorshe fududeynaya in deynta laga cafiyo Soomaaliya oo la ansixiyey

Image
Image

GAROWE, Puntland - Golaha wasiirrada Soomaaliya oo kulan yeeshey Muqdisho ayaa meel-mariyey qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Qorshaha Sagaalaad ee horumarinta qaranka oo bedel u noqonaya qorshaha sideedaad ee horumarinta qaranka oo ku eg dhammaadka sannadkaan, ayaa Soomaaliya u fududeynaya cafinta deynta lagu leeyahay.

"Sidoo kale, dalka ayuu ku hoggaaminaya waddada kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga inta lagu guda jiro shanta sano ee soo socota (2020-2024)," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu gudoomiyey shirka oo ay soo xaadireen qaar kamid ah Laanta Fulinta ee dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Hadafka qorshaha ayaa lagu sheegay yareynta saboolnimada iyo sinnaan la’aanta iyada oo loo marayo kobac dhaqaale oo loo dhanyahay, shaqo abuur, hagaajinta amniga, sare u qaadidda sharciga iyo kala dambeynta iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed.

"Wasaaradda Qorsheynta ayaa diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka oo la daah-furay Deseembar 19, 2018, waxa ay wadatashiyo kala sameysay dowlad gobaleedyada, baarlamaanka iyo dhinacyadda uu quseeya," ayaa lagu daray bayaanka.

Soomaaliya ayaa haatan lagu leeyahay ku dhowaad saddex bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo isugu jirta dul-saar iyo lacago kale oo ay qaateen xukuumadihii talada isaga dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM