Qorshe lagu horumarinayo garoomada diyaaradaha oo la dardargelinayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid uu ugu guur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, isagoo kormeeray qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka. Isagoo xog wareystay bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas loo adeegayay.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisu ahaa mid lagu dar-dar-galinayo habsami u socodka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Wuxuuna hawl-wadeennada garoonka kula dar-daarmay inay dareemaan mas’uuliyadda Qaran ee saaran, isagoo xusay in dowladdu ay ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.

Xukuumada Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM