Ra'iisul Wasaaraha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Xaradheer

Image

November 30, 2014 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u gaysteen dadka deegaanka ku dhaqan.

“Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabad joojin deg deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darada ah ee ku soo noq noqonaya deegaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in maamulada ka jira goboladaas looga baahan yahay ka qayb qaadashada daminta colaada iyo xal u helida mushkilada ka taagan deegaankaaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, nabadoonada iyo ururada bulshada rayidka ah iney u istaagan joojinta colaadaan, una fidiyaan gogol nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaada, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysey dadka walaalaha ah ee wada daga degaankaas.

Dagaalkaan oo ka dhacay tulooyin u dhow degmada Xarar Dheere ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la soo sheegay in ay ku dhinteen dad gaarayaa ilaa 15 qof sidoo kalana ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM