Ra'isal Wasaare Sharma'arke oo u mahadceliyey Barlamanka

Image

Muqdisho, February 1, 2015 - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo xalay saxaafadda la hadlay ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha Shacabka J.F.S in ay ka aqbaleen codsigiisii ahaa in 10 maalmood loogu daro waqtiga, si loo soo dhameystiro dhismaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay waqtiga kooban ee la siiyay in uu ku dhaqaaqi doono wadatashi uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kalana uu usoo bandhigi doono Golaha Shacabka Barnaamijkii Xukuumadda oo kooban marka la horkeeno Baarlamanka.

“Runtii go’aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tixgelinta talooyinkii Xildhibaanada oo ahaa in la soo dhameystiro Xukuumadda. Muddadaa kooban waxaan ka shaqeyndoonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo intaas raaciyay.

“Waxaa xusid mudan iney dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, xasilintii dalka, meel-marintii shuruucda iyo guddiyada madax-bannaan kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tilmaamay si looga gudbo caqabadahaas in muhiim ah ay tahay in soo dhameystiro xubnaha ka dhimman Xukuumadda, iyadoo la soo xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo, karti iyo hufnaan, wuxuuna ka codsaday Baarlamaankana in ay kalsoonidooda siiyaan marka la horkeeno Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyeen xukuumadda, iyadoo uu balan qaaday in mar-walba dareenkooda iyo shucuurtooda la tixgalinayo.

—DHAMMAAD—–

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM