Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kusoo laabtay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Davos ee dalka Switzerland uga qayb galay kulanka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka ee (WEF2018).

Wafdiga Ra’iisalwasaare Xasai Cali Kheyre ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirarkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Davos ee dalka Switzerland,wuxuuna tilmaamay in markii koowaad lagu marti qaaday in ay ku soo bandhigtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxuuna tilmaamay dhowr shir oo kala duwan in uu ku soo bandhigay tallaabooyinka dhiirrigelinta leh ee Soomaaliya qaaday ee dhanka horumarka iyo xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa la kulmay hogaamiyayaal iyo ururo caalami ah, kuwaas oo daneenaya arrimaha Soomaaliya, isagoona ka codsaday in Soomaaliya lagu taageero hawlaha ay ugu jirto suggidda ammaanka, dib u soo noolaynta dhaqaalaha, iyo dhismaha haya’adaha dawladda.

“Soomaaliya waxaa markii koowaad lagu marti galiyay shirka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka, waxayna noo ahayd fursad balaaran oo aan ku soo badhignay khayraadka dalkeena, danaheeda dhaqaale iyo sidii loo gacan siin lahaa dawladda Soomaaliya oo qaaday wadadii horumarka.

“Waxaan la kulmay madaxda Sanduuqa Lacagta Caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo aan kala hadlay sidii dalkeenna deymaha looga cafin lahaa, waxayna qirayn in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga cafin lahaa.” Ayuu yiri R/W khayre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabada ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalkeena iyo dalalka aan saaxibada nahay ee gacan qabtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM