Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka oo shir ka furay Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka.

Khadar ayaa furitaanka madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in maskaxda ay shiilaan ka qayb galayaasha madasha, ayna fikirkooda isu geeyaan kana soo saaraan natiijo wax ku ool ah oo ka qayb qaadaneysa hagaajinta xaaladda bini’aadninimo ee dalka.

Waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa soo agaasintay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo looga hadlayo xaaladda bini’aadninimo ee dalka iyo qorshaha lagu horumarinayo mashaariicda dhanka bini’aadninimada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda furitaanka Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay ka qayb gelayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, mas’uuliyiin ka socota dowlad gobaleedyada dalka iyo deeq bixiyaasha.

OPMSomali + GO

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM