Rooble iyo diblumaasiyiinta caalamka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay.

Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda M. Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM