Rooble oo la kulmay wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka guddiga amniga iyo Caddaaladda (CAS) oo ay ka soo qaybgaleen Hay’adaha Caddaaladda iyo amniga, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga iyo caddaaladda.

Shirka ayaa diiradda saaray xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo caddaaladda, iyadoo lagu qiimeeyey wax yaabihii qabsoomay sanadkii tagey, isla markaana laga wada hadlay kuwa sanadkan wax laga qabanayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Safiirrada Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga iyo Caddaaladda u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay xukuumadda dib u habeynta loo baahan yahay si dalka loo horumariyo, loona xoojiyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha ku shaqada leh Caddaaladda iyo amniga.

Danjireyaasha iyo Wakiillada shirka ka qeyb galay ayaa boggaadiyey qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan sidii amniga iyo caddaaladda dalka salka loogu dhigi lahaa, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan dhinacyada ay quseyso, si sare loogu qaado dadaalka mideysan ee lagu adkaynayo hay’adaha asasaaska u ah dowladnimada.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM