Rooble oo shaaciyey talaabo uu u qaadayo ciribtirka kufsiga soo batay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska R/Wasaaraha, kadib markii 23-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sii hayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay soo qabteen golihii wasiirada, isagoo u rajeeyey R/wasaaraha cusub in rabbi ku guuleeyo masuuliyadda adag ee u adeeggidda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

“Horumarro badan ayaa laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, sugidda amniga, caddaaladda , waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, dib-u-eegista dastuurka, hagaajinta nidaamka diiwaangelinta shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay Ku-simihii Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, hawlihii adkaa, ee ay soo qabteen muddadii saddexda sano iyo barka ahayd ee la soo dhaafay. Isagoo uga mahadceliyey Golaha Shacabka kalsoonidii ay siiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Xukuumaddiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah”.

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM