Rooble oo sharaxay socdaalka uu ku tegay magaalada Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood.

“Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkan waa mid shaqo oo qeyb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgeliyey, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur Galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur Galbeed si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta Dalka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo booqashada ay ku yimaadeen deegaanka, waxuna tilmaamay in ay yeelan doonaan wadatashiyo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM