RW ku xigeenka Soomaaliya oo Shir ku matelay Wasiirka difaaca

Image
Image
Image
Image
Image

RIYADH, Saudi Arabia - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada.

Waxana kulankani ka qeyb galaya in ka badan Afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah.

Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM